Qof looga shakiyay burcadnimo oo lagu xiray Nyahururu

0
304

Waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in magaalada Nyahururu ee ismaamulka Laikipia lagu qabtay nin ku eedeysan falal burcadnimo.
Laamaha ammaanka ayaa sidoo kale soo helay hub uu eedeysanaha dhaca ku gaysnayay.
Agaasinka waaxda dambi barista dalka ee DCI-da ayaa laga soo xigtay in tuhmanaha la xiray ka dib markii dambi baarayaasha magaalada Nyahururu ay arkeen gaari laga shakiyay oo taariko dheeraad ah gudaha baaburka ugu dhex jirto.
Afar qof oo eedeysanaha aqoonsadeen ayaa sheegeen inuu horraan uu dhac u gaystay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in eedeysanaha la qabtay iyo burcad kale ay ka soo safreen caasimadda dalka ee Nairobi, si ay dhac uga gaystaan deegaannada ismaamulka Laikipia.
DCI-da ayaa shacabka deegaankaasi ku bogaadisay sida ay gacan uga gaysteen in eedeysanaha la soo xiro.
Waxaa uu hadda maraya baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.
Booliiska ayaa dhanka kale haatan baadigoobaya burcad kale oo eedeysanaha la xiray la socdeen, kuwaas oo hadda baxsad ah.