Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Ezekiel Machogu ayaa sheegay in sanadkii hore tirada ardayda ee imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da ka soo hooyay buundada E inay 15,629 ka hooseyso midii sanadkii 2021-kii.
Machogu ayaa laga soo xigtay in imtixaanka sanadkii 2022-kii natiijada ka soo baxday ay muujinaysa in arday tiro ahaan dhan 30,822 ay heleen buundada E marka loo barbardhigo sanadkii ka sii horeeyay oo ay tiradan ahayd 46,151 .
Marka la eego jinsiyadda , aqlabiyadda tiradan oo ah 18,062 waa wiilal halka 12,760 ay gabdho yihiin.
Hoos u dhaca tirada ardayda ee sanadkii hore helay buundada E ayaa u dhiganta boqolkiiba 3.49% halka 2021-kii ay ahayd boqolkiiba 5.56%.