Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Nin soomaali ah oo loo haysto bariis been abuur ah oo qiimihiisu...

Nin soomaali ah oo loo haysto bariis been abuur ah oo qiimihiisu yahay 16 milyan inuu Kenya soo geliyay

Maxkamad ku taalla ismaamulka Kisii ayaa shalay dhageysatay sida eedeysane looga shakisan yahay in ilaa 16 milyan oo shilinka dalka ah oo uu bariis been abuur ah wadanka Kenya ku soo geliyay.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Cabdiqafaar Cabdirashiid Cabey ayaa isku dayay inuu u baxsado degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ee wadanka Soomaaliya.
Cabdiqafaar ayaa la soo taagay maxkamadda Kisii, isagoo ka soo hor muuqday garsoore Dorcas Mac’andere.
Ciidamada dambi baarayaasha ayaa eedeysanaha ka qabteen maalinkii Isniinta ee toddobaadkan garoonka diyaaradaha ee Wilson ee magaalada Nairobi, isagoo ku sii jeeday degmada Ceelwaaq ee dalka Soomaaliya.
Dacwad oogaha kiiskan oo lagu magacaabo Thomas Mutegi, ayaa maxkamadda u sheegay in eedeysanaha uu si been abuur ah uga helay 16.4 milyan oo shilinka dalka ah ilaa 34 qof oo Kenyaan ah.
Dambi baarayaasha ayaa sheegay in dadkan ay laamaha ammaanka ku soo wargelin falka qiyaanada ah ee uu ku kacay ninkan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments