Shacabka Meru oo digniin loo diray

0
244

Dadweynaha ku nool ismaamulka Meru gaar ahaan deegaanka Koonfurta Imenti ayaa looga digay khiyaanada dad sheegaya inay hayaan fursado shaqo oo bannaan.
Waxaa digniintan soo saartay guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan deegaankaasi Mary Mwangi.
Waxay hoosta ka xarriiqday in shakhsiyaadkan ay ku andacoonayaan inay yihiin wakiillada guddiga adeegga dadweynaha ee PSC iyo guddiga adeegga macallimiinta ee TSC .
Guddoomiyaha ayaa intaasi ku dartay in loo soo gudbiyay macluumaad ku saabsan dad dhex wareegaya deegaanka oo doonaya inay si been abuur ah lacago uga qaataan shakhsiyaadka shaqooyinka codsanaya ee aan ka shakin.
Dhallinyarada shaqo la’aanta ah ee deegaankaasi ayay ku boorrisay inay adeegsadaan qaababka saxda ah ee shaqooyinka looga codsado waaxyaha dowladda iyo hay’adaha kale si aan lacago looga dhicin.
Waxay carrabka ku adkeysay in dowladda dhexe iyo shirkadaha aynan shaqaaleysiin sameyn iyagoo aan soo xayeysiin.
Mary Mwangi, guddoomiyaha dowladda dhexe ku matasho deegaan baarlamaneedka Koonfurta Imenti ayaa laga soo xigtay in ciidamada ammaanka ay baaritaano ku hayaan kiisas noocani ah oo loo soo gudbiyay.
Waxay wacad ku martay in tallaabo adag oo sharciyeed laga qaadi doono cidii khiyaanadan isku dayda.