DHAGEYSO:Imtixaannada KCSE oo si rasmi ah u billowday

0
165

Waxaa guud ahaan dalka si rasmi ah maanta uga billowday imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da.
Sanadkan waxaa imtixaanka u fadhiisanaya arday ay tiradoodu tahay 884,263 .
Howlwadeenno matalaya waaxyo kala duwan ayaa loo xil saaray maareynta imtixaannada si looga hor tago wax is daba marin.
Madaxa fulinta ee guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ,Nancy Macharia ayaa ku sugan ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta si ay indha-indhayn ugu sameyso habsami u socodka imtixaanka qaran ee KCSE-da.
Madaxa fulinta ee golaha qaran ee imtixaannada (KNEC) Dr. David Njegere ayaa isna si dhow ula socon doono qaabka imtixaanka loogu sameynaya ismaamullada Wajeer iyo Mandera.
Prof. Charles Ong’ondo oo ah madaxa fulinta ee machadka horumarinta manaahijta ee (KICD) ayaa isna ku sugan dowlad deegaanka Vihiga ee galbeedka dalka.
Isku duwaha dowladda dhexe u qaabilsan gobolka Rift Valley Macallin Maxamad ayaa sheegay in hadda baaritaano lagu hayo oo maxkamadda la soo taagi doono mid ka mid ah maamulayaashii xarumaha lagu sameeyay imtixaanka KCPE-da oo lagu helay dembi ah inuu sawirro ka qaaday warqadaha imtixaanka oo uu diray.
Macallin Maxamad ayaa sidoo kale digniin adag u diray shakhsiyaadka qorsheynaya inay khiyaano sameyaan inta lagu guda jiro imtixaanka qaran ee KCSE-da .
Waxaa uu intaasi ku daray inay heleen xog sirdoon oo tilmaamaysa qorsho la xiriira xatooyada imtixaanka balse aan taasi lagu guulaysan doonin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here