Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Imtixaannada qaran ee KCPE-da iyo KPSEA oo maanta billowday

Imtixaannada qaran ee KCPE-da iyo KPSEA oo maanta billowday

Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga billowday imtixaannada qaran ee fasalka siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee loo yaqaano KCPE-da.
Sidoo kale waxaa maanta si rasmi ah u billowday imtixaannada qaran ee ardayda heerka 6-aad ee dugsiga hoose dhexe ee KPSEA.
Sanadkan waxaa imtixaanka KCPE sameynaya arday tiro ahaan dhan 1,244,188, halka KPSEA ay u fadhiisanayaan 1,287,597.
Ardayda maanta KCPE-da u fadhiisaneyso ayaa sameynaya imtixaanka sanad dugsiyeedka 2022-ka.
Ardayda heerka 6-aad ee dugsiga hoose dhexe ee KPSEA ayaa sanadka dambe gudbaya heerka koowaad ee dugsiga sare, iyagoo la jaanqaadaya manhajka cusub ee waxbarashada ee CBC.
Waxaa ardayda fasalka 8-aad ee KCPE-da ay maanta sameynayaan imtixaannada maadooyinka Xisaabta, Ingiriisiga iyo Composition.
Ardayda heerka 6-aad ee dugsiga hoose dhexe ee KPSEA ayaa ayagana u fadhiisanaya maanta maadooyinka kala ah Xisaabta iyo Ingiriisiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments