Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa billaabay diyaar garowga ku aaddan maareynta doorashooyin ku celis ah oo ka dhici doono qaybo ka mid ah wadanka.
Waxaa uu qorshuhu yahay in 8-da bisha 12-aad ee sanadkan la qabto 6 doorasho.
IEBC ayaa tababar siisay mas’uuliyiinta ismaamullada doorashooyinkan lagu qaban doono , ku xigeenadooda , saraakiisha u qaabilsan tiknolojiyadda , xisaabiyaasha iyo tababarayaasha geeddisocodka codeynta fahansiin doono saraakiisha ay IEBC u xil saareysa maareynta doorashooyinka ku celiska ah.
Dadweynaha ismaamulka Bungoma ayaa 8-da bisha Diseembar u codeyn doono senatar ku matalaya aqalka sare ka dib markii Moses Wetangula oo xilkan hayay loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka.
Doorashooyinka kale ee ku celiska ah ayaa ka qabsoomi doono deegaannada hoose ee kala ah Ololmasani ( ismaamulka Narok), Kyome/Thaana (Kitui), Utawala (Nairobi), Mumias North (Kakamega) iyo South Gem oo ka tirsan ismaamulka Siaya.
The #8thDec2022 by-elections are for Member of Senate Bungoma and Member of County Assembly Wards for Ololmasani (Narok County), Kyome/Thaana (Kitui County), Utawala (Nairobi County), Mumias North (Kakamega County) and South Gem (Siaya County). pic.twitter.com/OEIrFqhO0T
— IEBC (@IEBCKenya) November 19, 2022