Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:UDA oo iska fogeysay arrin uu sheegay xildhibaanka Fafi

DHAGEYSO:UDA oo iska fogeysay arrin uu sheegay xildhibaanka Fafi

Xisbiga madaxweynaha dalka ee UDA ayaa qoraal uu soo saaraya waxaa uu gaashaanka u daruuray arrin uu dhawaan sheegay xildhibaanka deegaanka Fafi ee ismaamulka Garissa Saalax Yaquub.

Mudanaha ayaa xusay in isaga iyo siyaasiyiin kale ay soo jeedinayaan in isbeddel lagu sameeyo muddo xileedka madaxweynaha oo hadda ah labo xilli.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay doonayaan in madaxweynaha loo oggolaado inuu labo xilli ka badan jagadan u tartamo ilaa iyo inta ay da’diisu ka hooseyso 75 sano.

Hasa ahaate xisbiga UDA oo uu mudanaha Fafi ka tirsan yahay ayaa cadeeyay in qorshahan uunan ahayn mid u degsan maamulka talada haya.
Qoraalka waxaa ku cad in soo jeedinta xildhibaanka ay tahay mala-awaal aan hirgeli karin.
UDA ayaa intaasi ku dartay in aynan qayb ka noqon wada-hadallo ku aaddan muddo xileedka madaxweynaha maadaama sida ay sheegeen ay ku mashquulsan yihiin dhaqangelinta qorshahooda hoggaamineed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments