Karua oo dalbatay in Ruto uu raaligeliyo Miguna

0
401

Madaxa xisbiga Narc-Kenya ,Martha Karua ayaa sheegtay in madaxweynaha dalka William Ruto looga baahan yahay inuu raaligeliyo qareenka sanadkii 2018-kii wadanka laga tarxiilay ee shalay dib ugu soo noqday Miguna Miguna.
Waxaa ay hoosta ka xarriiqday in Ruto uu qayb ka ahaa dadaalladii qareenka wadanka looga musaafuriyay maadaama uu xilligaasi madaxweyne ku xigeen ahaa.
Waxay intaasi ku dartay in hoggaamiyaha dalka laga doonayo inuu qaato mas’uuliyadda qaabkii loola macaamilay Miguna oo uu raali gelin bixiyo isagoo matalaya Uhuru Kenyatta oo uu xilka kala wareegay.
Shalay ayay ahayd markii Miguna Miguna uu u mahadceliyay madaxweynaha dalka William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua maadaama sida uu sheegay ay u fududeeyeen inuu dalkiisa hooyo ku soo noqdo.