Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Ruto oo nabadda gobolka, cunto yarida kala hadlay xoghayaha waaxda arrimaha dibadda...

Ruto oo nabadda gobolka, cunto yarida kala hadlay xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa wadahadal kula yeeshay magaalada New York xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken.
Magaalada New York ayaa waxaa ka socdo kal-fadhiga 77-aad ee golaha guud ee qaramada midoobay
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay dadaallada socda ee wax looga qabanayo cunno yarida, nabadda iyo amniga gobolka.
Mr. Blinken ayaa sheegay inuu rajeynayo xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed, gaar ahaan ganacsiga iyo maalgashiga labada dal ee Kenya iyo Mareykanka.
Goor sii horeysay shalay ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu sidoo kale la kulmay xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeyso Antonio Guterres.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments