Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Barasaabka Kirinyaga oo u riyaaqday in loo doortay guddoomiyaha CoG

Barasaabka Kirinyaga oo u riyaaqday in loo doortay guddoomiyaha CoG

Barasaabka ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka Anne Waiguru ayaa sheegtay in tallaabada loogu doortay xilka guddoomiyaha golaha CoG ay micno wayn u leedahay hoggaanka dumarka ee dalka.
Doorashadii la soo dhaafay ayaa waxaa ku soo baxay 7 barasaab oo haween ah.
Waxay hoosta ka xarriiqday in tani ay muujinayso matalaad dimuqraadi ah.
Waxay ku celcelisay inay ka go’an tahay ka shaqeynta sidii golaha barasaabyada ismaamullada ee CoG uu uga soo bixi lahaa waajibaadkiisa.
Anne Waiguru waxay sheegtay in iskaashi adag oo ka dhexeya dowladda dhexe iyo ismaamullada uu dalka horumar u horseedi karo.
Guddoomiyaha Kirinyaga ayaa laga soo xigtay inay diiradda saari doonto sidii xoghaynta golaha barasaabyada loogu dabaqi lahaa sharciga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments