Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Guddiga NCIC oo haweenka ku ammaanay kaalinta ay ka qaataan nabadda

Guddiga NCIC oo haweenka ku ammaanay kaalinta ay ka qaataan nabadda

Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa sheegay in haweenka ay door muhiim ah ka qaataan arrimaha nabadgalyada iyo dib u heshiisiinta.
Waxaa uu guddigu sheegay in kaalintan aan la fududeysan karin sidaas awgeedna ay haweenka mudan yihiin in lagu sharfo .
Guddiga ayaa sheegay inuu u hambalyeeynaya dumarka maadaama maanta dunida looga dabaal degaya maalinka adduunka ee haweenka.
Waxaa farriin tani la mid ah soo saaray madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo sheegay in haweenka ay si joogto ah waxyaabo badan ugu hureen qaranka iyo baniaadanimada.
Wasaaradda adeegga dadweynaha iyo jinsiyadda ee dalka ayaa dhankeeda sheegtay in dumarka aan matalaad buuxda la siin marka la eego geeddisocodka go’aan qaadashada.
Waxay wasaaraddu tilmaantay in ay dadaal badan ku bixin doonto sidii haween badan ay uga qayb geli lahayeen wada- hadallada lagu go’aamiyo arrimaha masiiriga ah.
Sidoo kale wasaaradda adeegga dadweynaha iyo jinsiyadda ee Kenya ayaa xustay in ay xoogga saareyso ka dhabeynta hiigsiga ku aaddan mustaqbal loo wada siman yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments