Waxaa lagu soo warramayaa in hadda bas ay leedhahay shirkadda Golden oo u kala goosha magaalooyinka Wajeer iyo Nairobi uu shil galay.
Baskan oo ka soo baxay galabta magaalada Wajeer ayaa ku gudoomay inta u dhexeyso magaalada Habaswein iyo dalmanyaaley.
Dhaawaca labo ka mid ah rakaabka ayaa hadda ah kuwa culus halka qaar kale oo ka mid ah rakaabka uu soo gaaray dhaawacyo fudud.
Dhaawacyada ayaa la soo gaarsiiyay isbitaalka magaalada Habaswein sida uu inoo xaqiijiyay maamulka xafiiska Wajeer ee baska Golden.