Qareen sheegay in Azimio ay doonayaan in maxkamadda ay ku dhawaaqdo in madaxweynaha la doortay uu yahay Raila

0
605

Garyaqaan sare Axmadnaasir Cabdullahi oo saxiib dhow la ah madaxweynaha la doortay William Ruto ayaa sheegay in ujeeddada isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya aysan ahayn in maxkamadda sare ee Supreme Court ay waxbo kama jiran ka soo qaado doorashadii madaxtinimo ee dalka ka dhacday 9-kii bishan, hasa ahaate ay doonayaan in maxkamadda ay ku dhawaaqdo in musharraxa guuleystay uu yahay raii’sul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in xubnaha Azimio uusan midkoodna dooneyn in dib loogu laabto doorashada marka la eego doodoodi ay dhawaan sheegeen in aan codad qaar ah la tirin.
Arrimahan ayuu qareenka xusay mid aan suuragal ahayn.
Tani ayaa ku soo aadeyso ka dib markii guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati uu 15-kii bishan shaaciyay in hoggaanka ugu sarreeya wadanka loo doortay William Ruto oo ay wada tartameen Mr. Odinga.
Raila Odiga oo qaadacay natiijada ayaa sheegay inuu dacwad gaynaya maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Supreme Court.
Waxaana afar ka mid ah saraakiisa IEBC oo ay hoggaamineyso guddoomiye ku xigeenka guddigan ay natiijada xilka madaxtinimo dalka ku tilmaameen mid u gaar ah Chebukati.