Guddiga NCIC oo booliska ku bogaadiyay sida ay u sugeen amniga doorashada

0
208

Sam Kona oo ka mid ah saraakiisha sare ee guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC iyo madaxa fulinta ee ururka waaxyaha gaarka ah ee KEPSA Carole Kariuki ayaa sheegay in Kenya ay 9-kii bishan ka dhacday doorasho guud amnigeeda si wayn loo sugay.
Waxay sheegeen in aan qaybaha kala duwan ee wadanka laga soo tabin rabshado waawayn.
Labada mas’uul ayaa waaxda qaran ee adeegga booliska ee NPS ku ammaanay tallaabooyinkii ay qaadeen ee lagu xaqiijinaya in doorashadu ay noqoto mid xor iyo xalaal ah.
Sam iyo Carole ayaa dareenkan muujiyay xilli ay xalay u warramayeen barnaamijka NewsNight ee telefishinka maxalliga ee Citizen.
Waxay sheegeen in ciidamada amniga horay loogu eedeyn jiray adeegsiga awoodda xad-dhaafka ah balse ay xilligii doorashada guud ee sanadkan si wayn isku xakameeyeen.