Saddex markab oo qamaddi sido oo ka ambabaxay dekadaha Ukraine

0
479

Dowladda Ukraine ayaa xaqiijisay in Saddex markab oo sido qamaddi ay ka ambabaxeen dekadaha badda madow ee dalkaasi.
Wasaaradda kaabayaasha ee Ukraine ayaa sidatan laga soo xigtay.
Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay inay xoogga saarayso sidii bil waliba loo iib geyn lahaa xamuul kor u dhaafaya boqol oo dallaggan sido.
Dhawaan ayay ahayd markii dowladaha Ruushka iyo Ukraine ay gaareen heshiis ku saabsan dhoofinta qamaddiga iyadoo arrintan ay garwadeen ka ahaayeen Turkiga iyo Qaramada Midoobay.
Dhanka kale madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta magaalada Sochi ee dalka Ruushka kula kulmi doono dhigiisa wadankaasi Vladimir Putin.