Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa dhaariyay maareeyaasha codeynta guud ee goobaha codbixinta iyo ku xigeenadooda.
IEBC ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka ku sheegtay inay cuskatay qaybta 55-aad , farqada (A) ee xeerarka doorashooyinka.
Maareeyaha doorashada ee goobta codbixinta ayaa waxaa waajibaadkiisa shaqo ka mid ah inuu u hoggaansamo dhammaan xeerarka lagu hubinayo hufnaanta geeddisocodkan.
Sidoo kale waxaa uu kormeer ku sameynaya karaaniyaasha codeynta isagoo hoos tagaya iskuduwaha loo yaqaano Returning Officer.
The Commission has administered the Oath of Secrecy to Presiding Officers and Deputy Presiding Officers pursuant to Section 55(A) of the Elections Act in readiness for the #GE2022 pic.twitter.com/gg8QABeRJi
— IEBC (@IEBCKenya) August 5, 2022