Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Agano David Waihiga Mwaure ayaa hoggaamiyaasha isbeheysiyada Azimio La Umoja-One Kenya iyo Kenya Kwanza ugu baaqay inay soo afjaraan hadallada abuuri karo kicin dadweyne ee ay is-dhaafsanayaan.
Waxaa uu guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ka codsaday in marnaba uunan oggolaan in garab siyaasadeed uu faragelin ku sameeyo ama waxqabadkiisa saameeyn ku yeesho.