Fu’aad Shangole oo beeniyay in lagu dilay duqeyn ka dhacday gobolka Bakool

0
627

Fu’aad Maxamad Khalaf oo ka mid ah hoggaamiyayaasha Al-Shabaab ayaa beeniyey in toddobaadkii hore lagu dilay dagaalladii ka dhacay gobolka Bakool.
Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa baahisay cod laga soo duubay Fu’aad Shongole, waxaa uuna sheegay inuu nool yahay, islamarkaana uu caafimaad qabo.
Warbaahinta Star Fm si rasmi ah uma xaqiijin karto sax ahaanshaha codka ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab.
Itoobiya ayaa dhawaan sheegtay inay dishay saddex sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab, oo ay ka mid yihiin Fu’aad Shongole iyo Afhayeenka ururkaas Cabdulcasiis Abu Muscab.