UDA oo doonaysa in la hakiyo baraha bulshada ee Junet iyo Joho

0
480

Xisbiga UDA ee uu hoggaamiyo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa dalbanaya in si ku meel gaar ah loo hakiyo adeegsiga baraha Twitter-ka ee xildhibaanka bariga Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad iyo barasaabka dowlad deegaanka Mombasa Xasan Cali Joho.
Xoghayaha guud ee UDA , Veronica ,Maina ayaa lagu soo warramayaa inay warqad arrinkan ku aaddan u qortay guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta daweynaha ee NCIC.
Waxay labada siyaasi ku eedeynaysa inay barahooda ku faafiyaan qoraallo iyo macluumaad naceyb iyo kicin dadweyne laga dheehan karo.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dowladda dhexe ay sheegtay inaysan xannibi doonin isticmaalka baraha bulshada iyo intarneetka xilliga doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here