Blinken:Maraykanka ma doonaya inuu beddelo hoggaanka Ruushka

0
693

Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in xukuumadda Washington aynan lahayn istaraatiijiyad ay wax uga beddelayso hoggaanka ugu sarreeya ee dalka Ruushka.
Hadalkan ayuu jeediyay ka dib markii siyaabo kala duwan looga falceliyay arrin uu sheegay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.
Mr. Biden ayaa xilli uu ku sugnaa wadanka Poland xusay in xukuumadda Moscow ay ku fashilantay duullaanka militari ee ay ku qaadday Ukraine sidaas awgeedna Vladimir Putin uunan sii hoggaamin karin wadankaasi.
Dowladda Ruushka ayaa dhankeeda cambaareysay hadalka Biden waxayna sheegtay in shacabka dalkaasi aan loo go’aamin karin mustaqbalkooda hoggaamineed.
Hasa ahaate Antony Blinken ayaa caddeeyay in Biden uu qeexayay in Putin aan lagu awoodsiin karin inuu weerar ku qaado ama la dagaallamo Ukraine mise waddan kale oo uu ku xadgudbayo sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu horay u sheegay mar kalena uu ku celinaya in Maraykanka uunan damacsanayn isbeddel uu ku sameeyo hoggaanka Ruushka ama dal kale oo caalamka ka mid ah.