Dowladda dhexe oo sheegtay inay ka go’an tahay badbaadinta deegaanka

0
441

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay ilaalinta bilicda deegaanka.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay amarkii sanadkii 2017-kii gudaha wadanka looga mamnuucay isticmaalka bacaha balaastiga ee lagu adeegto.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa carrabka ku dhuftay in la dhaqangelinayo xeerar kale oo looga hor tagayo waxyaabaha keenaya nadaafad darrada.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu maanta khudbad ka jeediyay xuska sanadguuradii 50-aad ee ka soo wareegatay xilligii la aasaasay barnaamijka qaramada midoobay ee arrimaha deegaanka ee UNEP.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in Kenya ay sharaf u tahay inay ku taalla xarunta ugu wayn ee UNEP.
Dabbaaldegga 50-aad ee hay’addan ayaa ka socdo xaafadda Gigiri ee magaalada Nairobi.