Qandaraasleyda ku howalan fasallada CBC oo lagu wargeliyay in xarumahaan diyaar noqdaan ka hor imtixaanka KCPE

0
489

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa ku wargeliyay qandaraasleyda ku howlan dhisidda fasallada cusub ee manhajka waxbarashada ee CBC ee wajiga koowaad ee barnaamijkan ay dhameystiraan ka hor 7-da bisha soo socoto ee Maarso xilligaasi oo ardayda fasalka siddeedaad u fadhisan doonaan imtixaanka shahaadiga ee KCPE-da.
Fasalladan ayaa gaaraya 6,400 oo ka mid ah wajiga koowaad ee mashruucan, islamarkaana ay adeegsan doonaan ardayda qaadanaya manhajka CBC.
Prof. Magoha oo xilli uu ku sugnaa dugsiga sare ee gabdhaha ee Kapsabet ee ismaamulka Nandi, ayaa sheegay in qandaraasleyda mashruucan fulinaya laga doonaya in goobaha laga dhisayo fasallada cusub ee manhajka CBC ay diyaar ahaadaan ka hor imtixaanka shahaadiga ee KCPE-da, si xilliga imtixaanka uu socdo ay cidna ku sugnaanin xarumahaasi.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa xusay in ismaamullada qaar ee wadanka ay boqolkiiba 93 soo gabagabeeyeen dhisidda fasallada cusub ee manhajka CBC ee wajiga koowaad.
Waxaa uu sidoo kale qandaraaslayaasha ka codsaday inay hubiyaan in xarumahaan ay noqdaan kuwa si tayaysan loo dhisay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in qandaraasleyda gacanta ku haya wajiga koowaad ee mashruucan loo xilsaari doono wajiga labaad.
Waxaa uu qorshuhu yahay in la dhiso ilaa 10,000 oo fasallo ah si dowladdu ay ugu guulaysato barnaamijka tacliinta ee la rumeysan yahay inuu ardayda ka soo dhisaya dhanka xirfadaha.