Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo noqday xildhibaan ka mid ah baarlamanka 11-aad ee Soomaaliya

0
554

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku soo baxay kursiga tirsigiisu yahay 138 ee ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Cabdiraxmaan oo la sii saadaaliyay inuu ku soo bixi doono kursigan ayaa waxaa kula qornayd gabadh lagu magacaabo Naciimo Xuseen Cali oo aan saaxadda siyaasadda laga aqoon, markii dambe na u tanaasushay.
Waxaa tartanka ka haray oo Cabdiraxmaan u tanaasulay siyaasiyiin la filayay inay loolan adag kula geli doonaan kursigan, uuna ka mid yahay ninka kursiga ku fadhiyay baarlamaanka muddo xileedkiisu dhammaaday ee Siciid Nuur Giriish.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sanadihii la soo dhaafay si wayn u dhaliili jiray dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamad Cabdullahi (Farmaajo).
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa noqonaya musharraxii saddexaad ee u taagan madaxtinnimada Soomaaliya ee ka mid noqodo baarlamaanka 11-aad ee golaha shacabka Soomaaliya.
Waxaa ka horreeyay Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo Mustafe Sheekh Dhuxulow oo loo doortay xildhibaanno.
Cabdiraxmaan waxa uu horay xildhibaan uga soo noqday baarlamaankii Jabuuti lagu soo dhisay 2009-kii ee ay ku midoobeen dowladdii uu hoggaaminayay Cabdullahi Yuusuf iyo isbeheysigii fadhigiisu ahaa Asmara ee uu hoggaaminayay Sharif Sheekh Axmad.