Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya ODM oo ku dhawaaqday in cidii doonayso inay ku tartanto tigidka xisbiga...

ODM oo ku dhawaaqday in cidii doonayso inay ku tartanto tigidka xisbiga ay isa soo diiwaangeliso

Xisbiga mucaaradka ee ODM ayaa ku dhawaaqay in qof kasta oo doonaya inuu ku tartamo tigidka xisbigan ee doorashada guud sanadka 2022-ka laga doonaya inuu ugu dambeyn isa soo diiwaangeliyo bisha Sideedaad ee sanadkan.
Bayaan uu soo saaray xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna ayuu ku sheegay in qofku uu xubin ka ahaada xisbiga ugu yaraan muddo hal sano si uu xaq ugu yeesho inuu xil kasta oo uu doonaya ugu tartamo isagoo ah musharax matalaya ODM.
Waxaa u xusay in qofka kaliya ee xubin ka ah xisbiga u xaq u yeelan doona inuu ku tartamo tigidhka xisbiga ODM ee doorashada guud 2022-ka.
Mr .Sifuna ayaa carrabka ku dhuftay in go’aankan la gaaray ka dib markii guddiga fulinta ee xisbiga ay kulmeen toddobaadkii hore si ay uga wada hadlaan u qalmidda cidda ku habboon inay xisbiga ODM ku matasho jaga kasto doorashada guud ee soo socota.
Dhanka kale guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee xisbiga ODM, Catherine Mumma ayaa sheegtay in shakhsiyaadka daneynaya arrinkan inay farriin qoraaleed ay ku soo diraan shabakadda xisbiga.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii barasaabka ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta Cali Xasan Joho uu waraaqihiisa magacaabidda ee u tartamidda jagada madaxweynenimo u gudbiyay xisbiga ODM.
Joho ayaa shacabka Mombasa u sheegay sabtidii aynu ka soo gudubnay inuu ku kalsoon yahay inuu ka hor mari doono tartamayaasha kale.
Xisbiga ODM ayaa bishii hore ka codsaday dhinacyada daneynaya inay adeegsadaan tigidka xisbiga laga doonaya inay bixiyaan lacag dhan hal milyan oo shilinka dalka ah oo aan la soo celin doonin si ay uga qeyb galaan geeddisocodka kala xulashada musharaxiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments