Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Nuurdiin Xaaji oo amray in la soo xiro senetarka ismaamulka Kericho

DHAGEYSO:Nuurdiin Xaaji oo amray in la soo xiro senetarka ismaamulka Kericho

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa amar ku siiyay abaanduulaha ciidamada booliska Mr. Hillary Mutyambai inuu guda galo baaritaano ka dhan ah senatarka ismaamulka Kericho Aaron Cheruiyot, kaas oo maalmo ka hor jeediyay hadal laga dheehan karo naceyb, takoor iyo rabshad kicin.
Mr. Xaaji ayaa ku amray taliyaha guud ee ciidanka booliska dalka in muddo toddobo cisho gudahood uu warbixin ku saabsan senetarka Kericho u soo gudbiyo xafiiska dacwad soo oogidda.
Senetarka dowlad deegaanka Kericho ayaa hadallada la qoonsaday ka jeediyay isu soo bax siyaasadeed oo uu ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ku qabtay magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu.
Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda Nuurdiin Xaaji ayaa sidoo kale faray taliyaha ciidamada booliska Mr. Hillary Mutyambai in uu baaritaan ku sameeyo shakhsi lagu magacaabo Abubakar Amana oo ka soo jeeda ismaamulka Lamu kaasoo lagu eedeeyay in uu jeediyay hadallo sababo karo kicin qowmiyadeed.
Shakhsigan ayaa hadalkan yiri 19-kii bishii hore.
Tani ayaa ku soo aadeyso iyadoo maanta xildhibaanka laga soo doortay deegaanka koonfurta Kitutu Chache ee ismaamulka Kisii, Richard Onyonka xabsiga loo taxaabay ka dib markii lagu eedeeyay inuu goob fagaaro ah ka jeediyay hadallo lagu tilmaamay kicin dadweyne.
Qareenka matalaya xildhibaanka ayaa laga soo xigtay, in Onyonka uu saaka iska xaadiriyay xarunta waaxda dambi baarista laanteeda ismaamulka Kisii.
Galinkii dambe ee shalay ayay ahayd markii uu agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda wadanka Nuurdiin Xaaji amar ku siiyay abaanduulaha ciidamada booliska Mr. Hillary Mutyambai inuu guda galo baaritaano ka dhan ah xildhibaanka.
Xaaji ayaa xusay in loo baahan yahay in baaritaan lagu sameeyo muuqaal baraha bulshada dhex wareegaya oo uu ka muuqdo xidhibaanka oo jeedinaya hadallo ku saleysan naceyb.
Hadallada loo haysto xildhibaanka ayaa la sheegay inay ka soo horjeedaan qodobka 33-aad ee farqada 2-aad ee dastuurka dalka lagu maamulo ee la ansaxiyay sanadkii 2010-kii, kaas oo dhigaya in xuquuqda xurriyatul qowlka aynan gaarsiisnayn dacaayad dagaal, hurin colaadeed, nacayb iyo kici dadweyne.
Dhanka kale barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Evans Kidero ayaa siyaasiyiinta ugu baaqay inay ka fiirsadaan hadalladooda oo aynan kala qaybin bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments