Taliska Hay’adda Nabadaugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee ka howlgalo deegaanada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed laga sameeyay ayaa magaalada Baydhabo eee Xarunta Gobolka Baay waxay ku soo bandhigeen Saddex xubnood oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab balse ay isku soo dhiibeen ciidamada dowlad ee gobolka Baay ku sugan.
Saddexda Xubnood oo dhalinyaro ah ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Ibraahim Aadan, Cabdiraxmaan Xuseen Sheekh Maxamuud iyo Ugaas Xuseen Nuur, waxaana mid ka mid ah uu watay Qori nooca ah AK47 ah iyo Booshkiisa, waxaana Saddexdooda ay ka qeyb qaateen weeraro ka dhacay Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose sida ay hay’ada sirdoonka iyo nabad sugida Soomaaliyeed ku sheegtay warbixin ay soo saartay.
Saddexda Xubnood ee ka tirsanaa Al-Shabaab ee isku soo dhiibay Ciidamada amaanka ee Koonfur Galbeed ayaa waxaay sheegeen in sababta ay uga soo baxeen Al-Shabaab ay tahay cunaqabateynta ay ku hayaan Shacabka ku nool qaar ka mid ah degaannada Koonfur Galbeed, iyagoo ugu baaqay Xubnaha kale ee ku harsan inay isaga soo baxaan.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa kordhayay tirada xubnaha isu soo dhiibaya Dowladda Soomaliya ee ka tirsan Al-Shabaab, waxaana todobaadkaan kaliya degaannada Koonfur Galbeed iska soo dhiibay ilaa 5 Xubnood oo horay uga tirsanaa dagaalameyaasha Al-Shabaab.