Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i ayaa kulan la qaatay dhigiisa UK ee amniga iyo xuduudaha Damian Hinds.
Mas’uuliyiintan ayaa wada hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka ka dhexeya Kenya iyo Ingiriiska.
Dr.Matiang’i ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in kulanku uu ahaa mid wax ku ool ah oo ay ku eegeen sida ay iskaga kaashan karaan la dagaalanka argagixisada, xagjirnimada iyo dembiyada abaabulan.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in amnigu uu tiir muhiim u yahay heshiiska istaraatiijiyadeed ee Kenya iyo UK.