Olole ka dhan ah musuqmaasuqa oo laga billaabay Isiolo

0
256

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa ismaamulka Isiolo ka billaabay olole soconaya muddo toddobo cisho ah oo dadweynaha lagu wacyigelinaya inaysan garab siin falalka lagu lunsado kheyraadka dalka.
Waxaa barnaamijkan sidoo kale ka faa’iidaysanaya shaqaalaha dowladda hoose ee ismaamulkaasi iyo howlwadeenada midda dhexe.
Ololahan ayaa socon doono ilaa 9-ka bisha Diseembar oo caalamka laga xuso maalinta adduunka ee la dagaalanka musuqa.
Ku xigeenka madaxa fulinta ee guddiga EACC Cabdi Maxamuud ayaa sheegay inay shaqaalaha dowladda , shacabka, culimada iyo ururrada bulshada u qabanayaan tababarro ku saabsan qaabka ay ula dagaallami karaan musuqmaasuqa.