Maxaabiistii ka baxsaday Kamiti oo lagu xukumay 15 bilood oo xabsi dheeraad ah

0
510

Saddex qof oo loo haysto argagixisanimo kuwaasoo horay uga baxsaday xabsiga wayn ee Kamiti Maximum Prison balse ugu dambeyn la soo qabtay ayaa la saaray xukun dheeraad ah.
Maxkamadda ayaa amartay in mid kasta uu xabsiga ku sii jiro 15 bilood oo kale.
Tani ayaa timid ka dib markii ay qirteen dacwad lagu soo oogay oo ahayd inay xabsiga ka carareen.
Go’aanka maxkamadda waxaa ku dhawaaqday garsoore sare Ms Kavetsa Adagala.
Saddexda qof ayaa kala ah Musharraf Cabdalla Akhulunga ,Maxamad Cali Abikar iyo Joseph Juma Odhiambo.
15-kii bishan ayay ahayd markii ay ka baxsadeen Kamiti in kastoo maalmo ka dib laga soo qabtay ismaamulka Kitui.
Waaxda dacwad oogidda dalka ayaa maxkamadda u sheegtay in maxaabiistan ay baxsadeen ka dib markii ay howshaasi u fududeeyeen qaar ka mid ah ciidamada asluubta dalka.
13 ka mid ah saraakiisha ayaa hadda dacwado wajahaya in kastoo shalay ay maxkamaddu ku siidaysay damiin lacageed oo u dhexeya 30,000 ilaa 50,000 oo shilin ka dib markii ay iska fogeyeen eedeymaha loo jeediyay.