Codsigii afraad oo lagu doonayo inuu xafiiska baneeyo Nuurdiin Xaaji oo maxkamadda loo gudbiyay

0
631

Waxaa maxkamadda loo gudbiyay dacwad afaraad oo lagu dalbanayo inuu xafiiska baneeyo agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin xaaji.
Dacwadaan ayaa waxaa maxkamadda geeyay nin lagu magacaabo Charles Rubia wuxuuna ku andacoonaya in xafiiska dacwad soo oogidda uu ku milmay dhaqamo aan habboonayn oo ay ka mid yihiin musuqmaasuq,xaasidnimo,eex iyo waxa uu ugu yeeray anshax xumo weyn oo ay weheliso karti darro heerkeedu sarreeyo.
Sida uu sheegay qofka dacwadda gudbiyay, habka shaqo qoridda ee xafiiska Nuurdiin Xaaji ayaa noqday mid foolxun oo musuq badan.
Rubia ayaa ku doodaya in xafiiska dacwad oogidda laga sameeyo dallacsiin aan caddaalad ahayn isagoo intaasi ku daray in afartii sano ee u danbaysay oo uu Nuurdiin xilka hayay uu xafiisku noqday mid ay saameeyeen eex,nin jeclaysi,qabyaalad iyo ku takriifal awoodeed.
Charles Rubia oo uu matalaya garyaqaan Danstan Omari ayaa sheegay in wareejinta qareennada dowladda ay keentay dib u dhaca dacwadda iyo carqaladaynta kiisaska maxkamadaha ka socda ama yaalla.
Waxaa uu xusay in qareennada da’da yar ee waaxda dacwad soo oogidda si aan sharci ahayn loo dallacsiiyay sidoo kalena ay jiraan xadgudubyo u baahan in wax laga qabto sida laga soo xigtay Charles Rubia oo maxkamadda dacwadaan u gudbiyay.
Qoraalka la hor dhigay maxkamadad waxaa ku cad in aan faahfaahin laga bixin sababta soo joojiyay adeegyadii ay bixin jireen garyaqaanada rug caddaaga ah oo loogu beddelay shakhsiyaad ay khibradooda shaqo yartahay.
Waaxda dacwad soo oogidda dalka ayaa laga sugayaa inay eedeymahan qirato ama ay iska fogeyso.