Waxyaabaha laga dhoofiya dalka oo kordhay 13 boqolkiisa

0
321

Waxyaabaha ay kenya dibada u dhoofisay sagaalkii bilood ee sanadkaan ugu horaysay ayaa la sheegay inay kordheen 13.3 boqolkiiba taasoo u dhiganta 543.4 Bilyan sida laga soo xigtay xog cusub oo la soo saaray.
Xogta ay soo saartay waaxda qaran ee ra’yi aruurinta Kenya ee maagcooda loo soo gaabiyo KNBS ayaa tilmaamaysa in dhaqaalaha dalka gaar ahaan qaybta dhoofinta dibada ay ka soo kabanayso hoos u dhac gaarayay 479.7 Bilyan oo soo garay sanadkii hore ee 2020-kii
dib u soo noqoshada wax soo saarka dhoofinta dalka ayadoo loo marayo loo marayo sagaalkii bilood ee ugu horaysay sanadkaan 2021-ka ayaa ka ayaa ka turjumaysa soo kabashada ganacsiga dibada ee Kenya dhibaatooyin uu la yimid covid19 snaadkii hore.
cuntooyinka iyo cabitaanada ayaa ahaaa wax soo saarka ugu badan ee Kenya dhoofisay sagaalkii bilood ee sanadka ugu horeeyay waxayna gaaraysaa celcelis ahaan 43.7 boqolkiiba dhoofinta bilaha ah,waxyaabaha aan cuntada ahayn ayaa lagu sheegay 27.8 iyo24.9 boqolkiiba.
Dalka Uganda ayaa ahaa meesha ugu badan ee loo dhoofiyo wax soo saarka gudaha kenya mudadaas ayadoo qiimaha badeecadaha loo diray ay gaarayaan 53,3 Bilyan oo ka horaysa dalka Nederland oo lagu sheegay 42,8 Bilyan iyo boqortooyada Ingiriiska oo ah 37 Bilyan.
wax soo dajinta Kenya ayaa ka saraysa 28 boqolkiiba dhoofinta ilaaa 1.532 Trilion sagaal bilood gudahood laga soo bilaabo 1.197 trilion oo ay sanadkii hore ahayd.
Waxyaabaha ugu badan ee Kenya ay dibada ka keensatay sagaalkii bilood ee sanadkaan ugu horaysay ayaa lagu sheegay qalabka warshadaha,shidaalka,Saliidaha iyo mashiinada.
dhanka kale qiyaastii shan meelood hal meel waxyaaabaha dibada laga keenay oo lagu qiimeeyay 318.9 bilyan ayaa laga keenay shiinaha,waxyaabaha kale ee ugu sareeye oo mudadaas kenya loo soo dhoofiyay waxaa laga keenay dalalka Hindiya,Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga.
Dib u soo celinta dhoofinta iyo soo dajinta ayaa tilmaamaysa fududaynta xaaladaha ganacsiga caalamiga ah waxayna dhimaysaa dhibaatooyinkii ka dhashay saamaynta faafitaanka cudukr ee sii kordhaysay.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ayadoo badeecadaha dibada ka imaanaya ay sii kordhayaan in ka badan kuwa la dhoofinayo uu sidoo kale jiro hoos u dhac dhaqaalaha kenyo oo ka sii daraysa gaartayna 5.6 boqolkiiba bishii Septemer ee sanadkaan halka uu sanadkii hore ahaa boqolkiiba 5 marka la eego xogta bankiga dhexe ee Kenya CBK.
Balse qasaaraha koontada ayaa la sheegay inay hada hoos uga dhacday 4.7 boqolkiiba dhamaadkii Sanadkii 2020-kii ayadoo soo dajintu yaraatay xiligaas sababo la xiriira saamaynta cudurka covid19.