Wakiilka haweenka ee Homa Bay oo beenisay in Ruto uu shacbiyad badan leeyahay

0
476

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Homa Bay Gladys Wanga ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warbixin ay dhawaan soo saartay shirkadda darasaadka ee TIFA taasoo lagu sheegay in xisbiga UDA ee lala xiriiriyo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu taageero badan leeyahay.
Waxay Wanga sheegtay in xisbiga ODM uunan weli shaacin musharraxiisa madaxweyne.
Waxay hoosta ka xarriiqday in aan loo baahneyn in la is barbardhigo Ruto iyo Raila oo aan weli caddeyn inuu tartamaya iyo in kale.
Gladys Wanga oo sidoo kale ah guddoomiyaha ODM ee ismaamulka Homa Bay ayaa sheegtay in warbixinta aynan marnaba weecin doonin dareenkooda siyaasadeed.
TIFA ayaa laga soo xigtay in 30 boqolkiiba xisbiga UDA uu taageero ka haysto dadweynaha halka ODM uu haysto 16 boqolkiiba.
Daraasaadkan waxaa ku cad in shacbiyadda xisbiga UDA inay kor u kacday boqolkiiba 21 laga soo billaabo bishii Lixaad ee sanadkan, halka ODM lagu sheegay boqolkiiba 9%.
Waxaa sahankan ku xusan in xisbiga talada dalka haya ee Jubilee ay hoos u dhacday 40 boqolkiiba tageeradii uu ka haystay dadweynaha laga soo billaabo bishii Lixaad ee sanadkii hore, 34 boqolkiiba bishii 12-aad ee isla sanadkaas iyo 8 boqolkiiba bishii Juun ee sanadkan.
TIFA ayaa sheegtay in arrikan ay ka wareysatay 1,519 qof.
Waxaa ay sidoo kale xustay in shacbiyadda xisbiga UDA ay ka sarreysa xisbiyada ODM iyo Jubilee marka la isku daro labadaba, iyada oo ay jiraan warar sheegaya in labada xisbi ay isbeheysi ku midoobi doonaan ka hor doorashada guud ee sanadka dambe.
Dhanka kale daraasaad ay sameysay shirkadda cilmi baarista ee TIFA intii u dhaxaysay 7-dii ilaa 13-kii bishan ayaa lagu ogaaday in isbeheysiga OKA oo ay ku midoobeen madaxda siyaasadeed ee kala ah Musalia Mudavadi , Kalonzo Musyoka, Gideon Moi iyo Moses Wetangula ay boqolkiiba hal tahay shacbiyadooda.
Boqolkiiba 40 ka dadkii la wareystay ayaa si kastaba ha ahaatee, aynan aqoonsaneen isbeheysigha OKA inuu yahay xisbi siyaasadeed.