DHAGEYSO:Raila Odinga oo maanta ku sugan Kakamega

0
492

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa gaaray ismaamulka Kakamega ee galbeedka dalka halkaasi oo uu ku qabanaya kulamo kala duwan.
Waxaa uu qorshuhu yahay in abaare 3-da galabnimo ee maanta uu Raila hoggaamiyo isku soo bax siyaasadeed oo ka dhacaya degmada Shiatsala ka hor inta uunan 4-ta galabnimo la kulmin dadweynaha deegaanka Butere ee dowlad deegaankaasi.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ismaamulka Kakamega oo dhawaan kulan la qaatay hoggaamiyaha ODM ayaa sheegay inay si buuxda u garab taagan yihiin ololihiisa.

Mr. Odinga ayaa qaybaha kala duwan ee wadanka ku maraya socdaallo uu ku xoojinaya ololaha mideynta bulshada ka hor inta uunan 9-ka bisha Diseembar shaacin inuu u tartami doono xilka madaxtinimo sanadka 2022-ka iyo in kale.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa shalay xilli uu ku sugnaa magaalada Kitale ee ismaamulka Tranzs Nzoia ballanqaaday in hadii sanadka soo socdo uu ku guulaysto madaxtinimada wadanka, uu muwaadin kasta heli doono caymis caafimaad.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa isna maanta ku sugan dowlad deegaanka Murang’a ee gobolka bartamaha wadanka.
Waxaa la filaya inuu shacabka u bandhigo qorshihiisa siyaasadeed ee ku dhisan in kobcinta dhaqaalaha wadanka meel hoose laga soo billaabo iyadoo la taageerayo danyarta , dhallinyarada shaqo la’aanta ah iyo ganacsatada yaryar.