Ilaalada garsoore Mrima oo la kordhiyay ka dib markii uu sheegay in loo goodiyay

0
319

Saraakiil boolis oo dheeraad ah ayaa loo xilsaaray inay ilaaliyaan garsoore Anthony Mrima oo ka howlgalo maxkamadda sare ee dalka.
Tani ayaa timid ka dib markii xaakinka uu cabasho ka muujiyay hanjabaad uu sheegay in lagula kacay.
Lazarus Opicho oo ka tirsan waaxda booliska qaybteeda u adeegta garsoorka dalka ayaa bayaan ku sheegay inuu la xiriiray xaakinka isagoo ka codsaday inuu cabasho rasmi ah gudbiyo si tallaabo dheeraad ah loo qaado.
Tallaabada lagu kordhiyay ilaalada garsooraha ayaa timid ka dib amar ay bixisay madaxa waaxda cadaaladda wadanka Martha Koome.
18-kii bishan ayay ahayd markii garsoore Anthony Mrima uu agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da Mr. George Kinoti ku xukumay afar bilood oo xabsi ah.
Tani ayaa timid ka dib markii Kinoti lagu helay dembi ah inuu dafiray amar maxkamadeed.
Garsoore Anthony Murima ayaa xilligaasi abaanduulaha ciidamada booliska Mr. Hilary Mutyambai ka dalbaday inuu xaqiijiyo in agaasimaha dambi baarista la qabto oo uu dhameysto xukunka la dul dhigay.
Amarka uunan u hoggaansamin Kinoti ayaa ahaa inuu soo wareejiyo hub la sheegay in sanadkii 2017-kii laga qaaday ganacsade Jimmy Wanjigi xilli ciidamadu ay howlgal ka sameyeen hooygiisa ku yaalla deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi.
Xaakinka ayaa hoosta ka xarriiqay in madaxa waaxda dambi baarista laga doonayo inuu toddobo cisho gudahood isugu dhiibo maamulka xabsiga wayn ee Kamiti haddii kale agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda Mr. Nuurdiin Xaaji lagu amraya inuu u jaro waaran lagu soo xirayo oo uu dhaqangelinaya taliyaha guud ee booliska Kenya.
Go’aanka maxkamadda waxaa ku cad in haddii sidan aynan dhicin, amarka uu shaqeynayo oo Mr. Kinoti la qaban karo xita marka uu xafiiska baneeyo.
Horraantii sanadkan ayay ahayd markii maxkamadda sare ee dalka ay Mr. Kinoti u qabatay 30 cisho oo uu hubka ugu wareejinayo ganacsadaha sidii lagu amray sanadkii 2019-kii.
Bishii lixaad ee sanadkaasi ayay ahayd markii garsoore Chacha Mwita uu go’aamiyay in dowladdu ay ku dhaqaaqday tallaabo aan habboneyn oo ay Wanjigi kala wareegtay hub u sharciyeysan.
Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Mr. Kinoti uu beeniyay rafcaan la sheegay inuu ka qaatay xukunka la dul dhigay.