Ururka UASU oo dalbaday in jaamacadda Moi la xiro muddo 2 sano ah

0
488

Ururka ay ku mideysan yihiin barayaasha jaamacadaha wadanka ee UASU ayaa soo jeediyay in muddo labo sano ah albaabada la isugu dhufto jaamacadda Moi sidoo kalena shaqada laga eryo maamule ku xigeenada.
Mas’uuliyiinta ururkan ayaa ku doodaya in ku xigeenada maamulaha jaamacadda aynan sida habboon u maareyn howlaha xaruntaasi oo ay ku guul dareysteen muujinta hoggaan wanaagsan.
UASU iyo saamileyda kale ee tacliinta ayaa sheegay in dhammaan jaamacadaha dowladda ay qarka u saaran yihiin burbur.
Xoghayaha guud ee dalladdan ,Constantine Wasonga ayaa maamule ku xigeenka jaamacadda Moi Isaac Sanga Kosgey ku eedeyay inuu ka gaabiyay dhaqangelinta heshiis la xiriiray mushaar kordhin kaasoo gorgortan ku saleysnaa.
Waxaa uu dowladda ugu baaqay inay xirto jaamacadda maadaama sida uu aaminsan yahay tallaabadan ay horseedi doonto in dowladda dhexe ay la timaado isbeddelo wax ku ool ah.