Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa maanta ku sugan ismaamulka Lamu ee gobolka Xeebta.
Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay barasaabka dowlad deegaankaasi Fahim Twaha iyo siyaasiyiin kale.
Mr. Odinga ayaa sheegay inay halkaasi tageen si ay ula hadlaan dadweynaha waxayna tani qayb ka tahay xoojintiisa hiigsiga mideynta bulshada ka hor inta uunan 9-ka bisha Diseembar shaacin musharraxnimadiisa.
Waxaa la filayaa inuu isku soo baxyo siyaasadeed ku qabto Mpeketoni, Witu iyo Lamu Island.
Berri ayuu gaari doonaa ismaamulka Kilifi ka hor inta uunan Talaadada socdaalkiisa ku soo gabagabeyn ismaamullada Kwale iyo Mombasa.
Xilli uu hadal kooban ka jeediyay kaniisadda Full Gospel ee Mpeketoni ayuu ra’iisul wasaarihii hore ee dalka soo hadal qaaday caqabadaha wadanka ka jiro ee ay abaartu ka mid tahay.
Madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa dhankiisa ka digay in Kenyaanka loo far fiiqo cidda ay u dooranayaan madaxweynaha xiga ee dalka.