DHAGEYSO:Booliska oo faahfaahin ka bixiyay shilkii xalay ka dhacay Lamu

0
459

Taliyaha booliska ee ismaamulka Lamu Moses Muriithi ayaa sheegay in taayar dillaacay uu sabab u ahaa shilkii xalay ka dhacay dowlad deegaankaasi ee ay ku dhinteen 4 ka mid ah howlwadeenada xafiiska xildhibaanka deegaanka Mvita ee Mombasa Cabdulswamad Shariif Naasir.
Waxaa uu mas’uulkan sheegay in ka dib markii taayarka uu qarxay uu baabuurka rogmaday dhowr mar.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in afarta qof ee shilka ku dhintay ay isugu jireen saddex rakaab iyo darawal.

Dr. Agla Maxamad oo ka howlgalo isbitaalka degmada Mpeketoni ee Lamu ayaa isna laga soo xigtay in hal qof uu ku dhintay goobta uu shilku ka dhacay iyadoo saddexda kalena ay nafwaayeen ka dib markii isbitaalka la geeyay.

Waxaa geerida shakhsiyaadkan ku timid ka tacsiyeeyay xildhibaanka Mvita , barasaabka Mombasa Cali Xassan Joho iyo xisbiga ODM oo dhammaan sheegay inay garab taagan yihiin qoysaska ay ka geeriyoodeen afarta qof.