Nin ganacsade ah oo dacwad kale ka gudbiyay Nuurdiin Xaaji

0
427

Nin ganacsade ah ayaa gudbiyay codsi uu ku doonayo in agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin Xaaji xafiiska laga eryo sababo la xiriira xadgudubyo uu sheegay inuu ku sameeyay xafiiska ganacsade reer Nairobi ah.
Guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ayuu doonayaa inuu billaabo dacwad horseedi karta in xilka laga qaado agaasimaha dacwad soo oogidda dalka.
Maamulihii hore ee shirkadda Jack and Jill, Axmad Nuuraani ayaa ku andacoonaya in Mr. Xaaji uu galay dambiyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin ku tagrifalid awoodeed, xil gudasho la’aan,anshax xumo,eex, ixtiraam la’aanta sharciga dalka u yaalla, dib u dhac ku yimid arrimaha caddaalada,ku dhaqan la’aanta cutubka lixaad ee dastuurka dalka iyo qodobbo kale.
Gaar ahaan Nuuraani wuxuu doonayaa in guddiga adeegga dadweynaha ee PSC uu Mr. Xaaji ku helo dambiyo cadaynaya inuusan ku haboonayn qabashada xafiis dowladeed.
Ganacsadaha ayaa tusaale u soo qaatay qaabkii uu Nuurdiin u maareeyay kiiska ganacsadaha kale ee lagu magacaabo Rajendra Ratilal Sanghani kaasoo lagu eedeeyay inuu ku guuldaraystay bixinta daynta lagu leeyahay oo gaaraysa 167 milyan oo shilin.
Ninkan ayaa ku doodaya in tan iyo markii uu cabashadiisa gudbiyay waaxda dacwad soo oogiddu ku guuldaraysatay inay qaado wax tallaabo ah ama ay tilmaanto dambiyada uu galay dayn qaatuhu taaasi beddelkeeda ay xirtay kiiska Sanghani uu si cad u diiday inuu gudo dayntaas lidiga ku ah heshiiskii hore ee ay galeen.
Nuuraani ayaa sheegay in isku daygii lagu doonayay in waaxda dacwad soo oogiddu dib u eegis ugu samayso natiijada kiiska aysan waxba ka suuragalin maadaama sida uu hadalkiisa u dhigay Mr . Nuurdiin Xaaji uu arrintaan diiday, dayacay ama ugu yaraan iska indho tiray inuu ka jawaabo mid kasta oo ka mid ah dadaalladii dabagalka ahaa ee la sameeyay.
Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka ayaa horay gaashaanka u daruuray eedeymaha ka dhanka ah oo uu sheegay inay yihiin kuwo looga gol leeyahay in looga marin habaabiyo geeddisocodka habboon ee caddaaladda dhanka falal dembiyeedyada.