Raila Odinga oo midowga Afrika ugu baaqay inay kaabayaashooda wax ka qabtaan

0
346

Ergeyga sare ee midowga Afrika u qaabilsan horumarinta kaabayaasha ahna ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa ugu baaqay dalalka Afrika inay horumariyaan kaabayaashooda si uu ganacsiga dhexdooda ah u kordho.
Mr. Odinga oo ka hadlay bandhig lagu qabtay magaalada Dubai ee dalka isu tagga imaaraatka Carabta ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in waddamada Afrika ganacsiga dhexdooda ah uu wali ka hooseeyo boqolkiiba 20.
92 waddan oo ay Kenya ka mid tahay ayaa ka qayb galaya bandhigan iyadoo mid walba uu soo bandhigayo fursadaha uu leeyahay.
Raila oo sidoo kale ah madaxa xisbiga ODM ayaa sheegay inuu si weyn u bogaadinayo kaalinta Kenya ay kaga dhex muuqato bandhigan.
Bandhigan ayaa ah mid caalami oo ay martigelisay magaalada Dubai ee wadanka imaaraadka Carabta, wuxuuna soo billowday kowdii Oktoobar iyadoo uu qorshuhu yahay inuu socdo ilaa dhammaadka bisha saddexaad ee sanadka 2022-ka.
Wadan kasta oo bandhigan ka qayb galaya ayaa loo qoondeeyay maalin qaran oo u gaar ah si kor loogu qaado dhaqankiisa, ganacsigiisa maalgashiga dalkaas iyo fursadaha daxlkiisa ee dalkaasi uu leeyahay ee adduunka kale uu u soo bandhigayo.