Codbixiye ku sugan magaalada Eldoret ee dowlad deegaanka Uasin Gishu ayaa helay amar maxkamadeed oo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xaduuddada dalka ee IEBC ku qasbaya inay kordhiyaan muddada diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayna gaarsiiyaan ilaa 9-ka bishan.
Patrick Cherono ayaa amarkan ka helay maxkamadda sare ee fadhigeedu yahay magaalada Eldoret, iyadoo la sugayo kiis uu maxkamadda u gudbiyay subaxnimadii hore ee shalay.
Qorshaha diiwaangelinta oo lagu bartilmaameedsanayay tiro gaaraysa 4.5 milyan oo codbixiyeyaal cusub ah ayaa loo qorsheeyay in la soo gabagabeeyo 2-da bishan.
Codsiga uu maxkamadda geeyay Cherono ayuu ku dooday inuusan guddiga IEBC soo gabagabayn karin diiwaangelinta codbixiyeyaasha maadaama aysan gaarin yoolkii laga lahaa, waxaana amarkan soo saaray garsoore Eric Ogolla.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka iyo xuduuddada dalka IEBC Wafula Chebukati ayaa aad u dhaliilay tirada hoosaysa ee dadka u soo baxay inay isku diiwaangeliyaan ka qayb qaadashada doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Bishii Shanaad ee sanadkan ayay ahayd markii guddiga doorashooyinka ee dalka uu tirada codbixiyeyaasha u diiwaangashan ku sheegay 19.6 milyan.
Siyaasiyiinta ugu sarreeya ee dalka ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay si aad ah shacabka gaar ahaan dhallinyarada ku boorrinayeen inay isu diiwaangeliyaan ka qayb qaadashada doorashada guud.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC ayaa sheegay inay diiwaangelinta ka samaynayaan guud ahaan wadanka iyo qurbaha tani oo qayb ka ah u diyaargarowga doorashada guud ee sanadka danbe.
IEBC ayaa si gaar ah diiradda u saaraysa diiwaangelinta kenyaanka qurbaha ku nool gaar ahaan waddamada Suudaanta Koonfureed, Maraykanka, Ingiriiska, Canada, Qatar iyo isutagga imaaraadka carabta.
Dalalkan ayaa lagu daray liiskii hore ka dib markii ay buuxiyeen shuruudaha looga baahan yahay oo ay ka mid tahay inay dalkaas ku nool yihiin 3,000 oo qof oo muwaadiniin Kenyaan ah.
Keenyanka ku nool waddamada Uganda, Tanzania, Rwanda, Burundi iyo Koonfur Afrika ayaa ka qayb qaatay doorashadii guud ee 2017-kii.
Hay’adaha ra’yi uruurinta ayaa dhanka kale waxay ka digayaan in dib u dhigidda taageeridda miisaaniyadda ay caqabad ku noqon karto habsami u socodka arrimaha ka horreeya doorashada gaar ahaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha cusub.
Bishii hore, guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dalka Wafula Chebukati ayaa ka digay in dhaqaalaha guddiga oo aan ku filnayn ay saameyn karto u diyaargarowga codeynta guud.
IEBC ayaa sheegtay inay wajahayso dhaqaale yari saamaynaysa fulinta howlaha muhiimka ah.