Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Booliska Ruushka oo xiray in ka badan 450 dibadbaxayaal ah

Booliska Ruushka oo xiray in ka badan 450 dibadbaxayaal ah

Ciidamada booliska ee dalka Ruushka ayaa gacanta ku dhigay ugu yaraan 450 qof oo ka qayb qaatay dibadbaxyo maanta ka dhacay gobolka Siberia iyo bariga fog ee wadankaas.
Taagerayaasha Alexei Navalny oo dhaliila dowladda Vladimir Putin ayaa dhigay mudaharaadyo ay ku dalbanayaan in ninkan xabsiga laga siidaayo.
Sidoo kale waxaa uu qorshuhu yahay in galinka dambe ee maanta ay dibadbaxyada ka dhacaan magaalada Moscow iyo degmooyinka kale.
17-kii bishan ayay ahayd markii la xiray Alexei Navalny ka dib markii uu ka soo laabtay dalka Jarmalka.
Waxaa uu madaxweyne Putin ku eedeyay in uu amar ku bixiyay in la dilo tani oo ay dowladda Ruushka iska fogeysay.
Ilaa iyo hadda waxaa xabsiga la dhigay ugu yaraan 4,000 qof oo dibadbaxayaal ah sida laga soo xigtay ururka OVD-Info oo dabagal ku sameeya mudaharaadyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments