Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:William Ruto oo iska fogeeyay inuu kala qaybin ka dhex wado dalka

DHAGEYSO:William Ruto oo iska fogeeyay inuu kala qaybin ka dhex wado dalka

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa gaashaanka u daruuray eedeymaha loo jeediyay ee ah in ololihiisa siyaasadeed uu u adeegsanayo kala saaridda dadka danyarta ah kuwa hodanka ah.
Dr. Ruto ayaa ku adkeystay in tani ay runta ka fog tahay islamarkaana sheegay in kaliya uu u ololeeynaya qaddiyadda ah in mudnaanta koowaad la siiyo dadka la daala dhacaya nolol maalmeedkooda.
Waxaa uu intaa ku daray in la joogo wakhtigii wax laga beddeli lahaa qaabka loo wajaho arrimaha saamaynaya dadka saboolka ah.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa sheegay inuusan doqon ahayn oo uunan iska horkeenin dadweynaha kenyaanka.

Waxaa uu eedeyn u jeediyay kuwa ku dhalliilaya inuu wado kicin dadweyne.
Ruto oo ku sugnaa deegaanka Funyula ee ismaamulka Busia ayaa si adag u sheegay inuusan meesha ka saari doonin fikirikiisa ah in la garab istaago dadka danyarta ah.
Sidoo kale waxaa uu su’aal geliyay sida ay ku suurageli karto in miisaaniyadda dhaqaale ee ay dowladda dhexe siiso ismaamullada oo hadda ah boqolkiiba 15 looga dhigi karo boqolkiiba 35.

Dhanka kale barasaabkii hore ee ismaamulka Bomet Issac Ruto ayaa difaacay ka digay in loolanka siyaasadeed ee ku aaddan sanadka 2022-ka la qabyaaladeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments