In ka badan 40 ka mid ah siyaasiyiinta bartamaha dalka oo eedeyn u jeediyay madaxweynaha wadanka

0
547

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa lagu eedeyay maamul xumo soo billaabatay sanadkii 2017-kii xilligaas oo markii labaad uu qabtay talada Kenya.
Waxay hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dalka eedeyntan uga timid 41 ka mid ah madaxda siyaasadeed ee gobolka bartamaha.
Siyaasiyiintan ayaa sheegay in maamulka talada haya ee Jubilee uu u muuqdo mid kala qaybsan.
Warqad ka kooban 11 bog oo ay u qoreen madaxweynaha ayay mas’uuliyiintan ku cabbireen dareenkooda ku aaddan in aan lagu marti qaadin shir lagu wado in berri uu ka qabsoomo ismaamulka Nyeri.
Madaxdan waxaa ka mid ah senatarka ismaamulka Murang’a ahna mas’uulka xisbiga Jubilee u qaabilsan dhanka kala dambeynta ee aqalka sare Irungu Kang’ata.
Sidoo kale madaxdan ayaa tilmaamay in qorshaha sharci beddelka ee BBI uunan taageero buuxda ku lahayn bartamaha Kenya.
Kulankii iyo heshiiskii taariikhiga ahaa ee sanadkii 2018-kii dhex maray madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayay siyaasiyiintan sheegeen inuu saameyn ku yeeshay qorshihii horumarineed ee Jubilee.
Waxay dhanka kale siyaasiyiintan dalbanayaan in madaxweynaha dalka uu ka laabto hadal uu jeediyay oo ahaa in la joogo xilligii qowmiyad kale ay wadanka hoggaamin lahayd.
Mr. Kenyatta ayay u soo jeediyeen inuu diiradda saaro wax ka qabashada dhaqaalaha uu hoos u dhaca ballaaran ku keenay cudurka COVID-19.
Sidoo kale madaxweynaha ayay kula taliyeen inuunan faragelin madax bannaanida shacabka ay ku dooranayaan hoggaamiyaha talada kala wareegaya sanadka 2022-ka.