Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa maamulayaasha dugsiyada dowladda uga digtay inay waalidiinta ka qaadaan qiimo lacageed oo aan la ansaxin.
Agaasimaha tacliinta dugsiyada sare iyo machadyada farsamada ee dalka Paul Kibet ayaa sheegay in wasaaradda loo soo gudbiyay cabashooyin badan.
Walaacan ayaa waxaa muujiyay waalidiinta, hay’adaha ardayda ka bixiyo qarashaadka iyo si guud bulshada.
Bayaanka Kibet waxaa ku cad in xita hadii ardayda laga qaadayo qarashaadka qadada aan khasab looga dhigin sidoo kalena qiimahaasi uu noqdo mid ay waalidiinta awoodi karaan iyadoo lagu saleynaya in la yareeyay muddada xilli dugsiyeedka.
Agaasimaha ayaa intaa ku daray inuusan jirin qof awood u leh inuu kordhiyo qarashaadka tacliinta xita hadii uu ka tirsan yahay guddiyada maamulo goobaha waxbarashada iyadoo aan oggolaansho qoraal ah laga helin wasiirka wasaaradda tacliinta ee wadanka Prof.George Magoha.
Amarka wasaaradda waxaa qayb ka ah inaan ardayda loo diri karin xaafadda inta uu ka bixinaya lacagaha lagu dhigto dugsiyada.
Sidoo kale goobaha waxbarashada ayaa laga doonayaa inay soo bandhigaan qarashaadka tacliinta.
Wasaaradda ayaa amartay in hadii ardayda laga qaaday lacag ka badan qiimaha ay dowladdu jaangooysay in loo celiyo ama loo xisaabiyo inuu sii bixiyay qarashaad xilli dambe looga baahan lahaa.
Paul Kibet, agaasimaha waaxda qaabilsan tacliinta dugsiyada sare iyo machadyada farsamada ayaa dhammaan agaasimayaasha waxbarashada ee ismaamullada iyo deegaan baarlamaneedyada ku amray inay sida ugu dhakhsiyaha badan xoghayaha joogtada ah ee wasaradda waxbarashada ugu soo gudbiyaan warbixin kasta oo ku saabsan dugsi ardayda dhigata laga qaadaya qarashaad dheeraad ah.
Dowladda dhexe ayaa tirada toddobaadyada ay ardayda dhiganayaan dugsiyada oo horay ahayd 39 ka dhigtay 30 taasoo horseeday in waalidiinta laga fududeeyo culeyska.
Waxay tani micnaheedu tahay in ardayda dugsiyada heer qaran laga dhimay 8, 500 oo shilin halka qarashka laga yaareeyay kuwa wax ka barta dugsiyada ismaamullada iyo deegaanada uu yahay 5, 500 .