Raila oo dowladda ugu baaqay inay taageerto dadka uu saameynta dhaqaale ku yeeshay cudurka

0
485

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa dowladda ka codsaday inay garab siiso shakhsiyaadka saboolka ah ee bulshada ku dhex nool.
Waxaa uu sidoo kale soo jeediyay in lacago la siiyo dadka cudurka COVID19 awgii waayay shaqooyinkii ay hayeen.
Mr. Odinga ayaa dhanka kale soo dhaweeyay sare u qaadidda tallaalka ka dhanka ah cudurka.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka oo ku sugan ismaamulka Mombasa ayaa ku taliyay in wasaaradda caafimaadka ay ku dadaasho sidii ay ku heli lahayd daawooyinka tallaalka oo dheeraad ah.