Dacwad ka dhan ah baarlamaanka oo maxkamadda loo gudbiyay

0
334

Okiya Omtatah oo ka mid ah shakhsiyaadka u ololeeya xuquuqul aadanaha iyo arrimaha bulshada ayaa maxkamadda geeyay dacwad uu ku doonayo in baarlamaanka wadanka laga hor istaago inuu isbeddel ku sameeyo dastuurka.
Dacwaddan oo uu hor dhigay garsoorayaasha maxkamadda sare ayuu ku tilmaamay mid u baahan in si degdeg ah go’aan looga soo saaro.
Hindisaha sharci beddelka waxaa soo jeediyay oo baarlamaanka hor geeyay mudanaha deegaanka Ndaragwa Jeremiah Kioni .
Mr. Kioni ayaa sidoo ah guddoomiyaha guddiga kormeerka ku sameeya dhaqangelinta dastuurka.
Mr. Omtatah ayaa doonaya in maxkamadda ay soo saarto amar guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Mr. Justin Muturi ka hor istaagaya inuu hindisahan oo qayb ka mid ah la ansaxiyay uu la wadaago madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.