Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Embu ayaa sheegaya in xalay uu dab saameeyay mid ka mid ah goobaha ay seexdaan ardayda dhigta dugsiga sare ee wiilasha ee Kirimari.
Dhacdadan ayaa sababtay in 40 arday ay hooy la’aan noqdaan.
Ilaa iyo hadda ma cadda waxa sababay dabkaas oo la soo tabiyay xilli ardayda ay qaadanayeen casharro dheeraad ah in kastoo ay baaritaano socdaan.
Saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Embu oo uu hor kacaya taliyaha booliska Samuel Gitau ayaa sheegay inuunan jirin arday ku dhintay ama ku dhaawacmay dabka.