DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo mashruuc ku kacaya 10 bilyan oo shilin xariga kaga jaray Mombasa

0
457

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa xariga ka jaray mashruuc lagu horumarinayo dhaqaalaha bulshada ka kalluumeysata badda ee gobolka Xeebta.
Mashruucan ayaa ku kacaya 10 bilyan oo shilinka dalka ah.
Mr .Kenyatta ayaa sheegay in dowladda ay dooneyso in sare loo qaado dakhliga bulshada kalluumeysiga ee gobolka Xeebta ee dalka.
Waxaa uu xusay in fursaddan baaxadda leh ay tahay in laga faa’iideysto.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaa ku daray in mashruucan uu kaalin weyn ka qaadan doona shaqo abuuris, maalgashi, kordhinta dakhliga canshuuraha iyo in si joogto ah loo wanaajiyo hab-nololeedyada maxalliga ah ee dadweynaha Kenyaanka.
Madaxweynaha dalka ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in dhammaan kenyaanka ay ka faa’iideystaan kheyraadka badda.
Dhanka kale waxaa uu eedeyn u jeediyay siyaasiyiinta ka soo horjeedo ajandayaashiisa horumarineed ee uu ka wado gudaha dalka.Mar uu arrimahan ka hadlay xilii uu shalay ku sugnaa ismaamulka Mombasa ayuu Mr. Kenyatta yiri