Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi oo ay xaafadda Islii ka tirsan tahay Yuusuf Xasan Cabdi ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay baaritaano ku hayaan sababta ka dambeysa falalkii afduubka ahaa ee dhawaan saameeyay deegaanka.
Waraysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta Star ayuu ku sheegay in dhibaatooyinkan uu kala hadlay mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga wadanka si xal waara loogu helo.
Talooyinka uu soo jeediyay waxaa ka mid ah in isku shaandheyn lagu sameeyo ciidamada amniga ee ka howlgalo deegaanka.
Xildhibaan Yussuf Xasan oo wariyahayaga Cabdinuur Cali uu weydiiyay dadaalka uu sameeyay ee ku aaddan in la soo badbaadiyo gabadh ka mid ahayd afartii la waayay ayaa ku jawaabay.
Mudanaha deegaanka Kamukunji ayaa sidoo kale warbaahinta Star faahfaahin ka siiyay qorshaha u degsan ama barnaamijyada socdo ee lagu dayactiraya waddooyinka ,adeegyada korontada iyo waxbarashada.